Dadka u dooda Caafimaadka Maskaxda ee Madaxbanaan (Independent Mental Health Advocacy - IMHA) ayaa kaa caawin kara inaad ogaato xuquuqdaada aadna fikradaada dhiibato. IMHA waa adeeg lacag la’aan ah oo ay waxkasta qarsoodi kuu yihiin looguna talagalay dadka:
- helaya daaweyn khasab ah ama ka welwelsan wixii ku saabsan
- ka welwelsan wixii ku saabsan daaweynta khasabka ah.
IMHA waa adeeg ay bixiso Gargaarka Sharciga ee Victoria (Victoria Legal Aid) laakiin maaha adeeg sharci. IMHA way ka madax banaan tahay adeegyada caafimaadka dhimirka.
Waan kula soo xiriiri doonaa
Laga soo bilaabo 1-dii Sebteembar 2023, Mental Health and Wellbeing Act 2022 waxay muujisaa in naloo sheegi doono qodobada ugu muhiimsan markaad hellayso daaweynta khasabka ah. Baro wax badan oo ku saabsan 'Marka IMHA loo sheegi doono?’.
Waanu kula soo xiriiri doonaa inaad naga codsatay inaanaan kula soo xiriirin mooyee. Markaan kula soo xiriirno, waxaan kuu sharixi doonaa waxaan samayno, adiga ayaana go’aansan kara haddii aad doonayso adeegeena. Baro sida aad noogu sheegi karto inaanan kula soo xiriirin.
Waad nala soo xiriiri kartaa
Haddii aadan hadda helayn daaweyn khasab ah laakiiin aad ka welwelsan tahay inaad qaadato daaweyn Khasab ah, adeegyada IMHA waad heli kartaa. Waxaad u baahan doontaa inaad toos noola soo xiriirto maadaama aan naloo sheegi doonin. Waxaad naga soo wici kartaa 1300 947 820, ama noogu soo dir email contact@imha.vic.gov.au Baro wax badan oo ku saabsan sida naloola soo xiriiri karo. Waxaad sidoo kale nagula hadli kartaa luqadaada.
Sababaha guud ee dadka laga yaabo inay uga welwelaan inay helaan daaweyn khasaba sida waxaa ka mid ah in aad aaminsan tahay inaadan diidi karin amarka kooxda ku daaweynaysa, ama kooxda ku daaweynaysa ayaa ku dhahay hadii aadan u hogaansamin waxyaabaha qaar in qasab daawwooyin laguugu siin doono.
Qaabka ay IMHA kuu caawin karto
Waxaanu kaa caawin karaa inaad:
- fahamto macluumaadka ku saabsan qiimaynta, daaweynta iyo soo kabsashada
- samayso go’aamada ku saabsan qiimayntaada, daaweynta iyo daryeelka
- inaad fahamto aadna ku dhaqanto xuquuqdaada
- in laguu sameeyo bayaan hormarsan oo ah dookhyada
- in la magacaabo qof aad adigu dooratay oo ku taageera
- inaad raadiso fikrada labaad oo dhakhtarka maskaxda
- raadiso talada sharciga
- inaad codsi u dirato Maxkamada Caafimaadka Dhimirka
- faham oo hel nadaamka adeega samaqabka iyo caafimaadka
- muuji go’aanadaada, aragtida iyo xulashada caafimaadkaaga maskaxeed iyo samaqabka adeegyada iyo kuwa kale
- Samay so dacwad.
Waxaan kuu diyaarin karnaa turjubaan si aad noogula hadashid luuqadaada. Waxaad kaloo wici kartaa Translating and Interpreting Service (TIS) telefoonka 131 450 weydiina in nala ku soo xiro. IMHA ayaa matali karta aragtidaada ku saabsan caafimaadka dhimirka iyo adeega samaqabka ogolaanshahaaga.
Qofka IMHA kugu matalaya:
- ayaa u shaqayn doona sidaad amarto adigu
- Ma qaadi doono ficil ogolaanshahaga la’aantiis
- Kuma ay hagi doonaan kuwa kale waxay qadarinayaan inuu yahay waxa ugu fiican dantaada, haddii aad jirto ugu yaraan 16 sanadood. IMHA waxay kor u qaadaysaa aragtidaada waxayna la shaqaynayaan qoyskaaga, daryeelayaasha, iyo kaalmeeyayaasha si loo xaqiijiyo sida ugu fiican in dantaada loo xafido.
Noo sheeg in aan lagula soo xiriirin
Waxaad u baahan doontaa inaad bixiso maclumaad ku saabsan nafsadaada sidaas darteed waxaanu xaqiijin doonaa in:
- aanaan isku deyin in aan kula soo xiriiro, iyo
- in aan tirtiro macluumaadka aanu hellay oo ku saabsan daaweyntaada khasabka ah.
Macluumaadka aad bixisaa aadna siisaa waxaa wax ka qabanay shaqaalahayaga maamulka. Baro wax badan oo ku saabsan sida aan u maarayno macluumaadka gaarka ah una ilaalino sirtaada.
Noo sheeg in aan lagula soo xiririin:
- wac (03) 9093 3701
- buuxi foomka ka bixida
- buuxi foomka kuna soo dir admin@imha.vic.gov.au ama boostada:
- Independent Mental Health Advocacy
GPO Box 4380
Melbourne VIC 3001
- Independent Mental Health Advocacy
Waxaad weydiin kartaa xubinta shaqaalaha ama kaalmeeyaha si uu kaaga caawimo inaad soo gudbiso foomka.
Haddii aad bedesho maskaxdaada mudo ka dib aadna doonayso inay kula soo xiriiraan IMHA markaad helayso daaweyn khasab ah.
- wac 1300 947 820
- email contact@imha.vic.gov.au
- wax badan ka baro sida naloola soo xiriiro
Goorma ayaa IMHA loo sheegi doonaa?
IMHA waa loo sheegi doonaa haddii:
- lagu geliyo amarka daaweynta ku-meelgaarka ah, ama amarka daaweynta
- oo ay ku jiraan haddii aad tahay forensic ama bukaanka amaanka
- Xuquuqdaada lagula xiriirayo waa la adkeeyey
- Daaweyntaada amarka ku meelgaarka ah, ama amarka daaweynta waxaa laga bedelay mid dadweyne ama bukaan jiif ama bukaanka bulshada
- Daaweyntaada amarka ku meelgaarka ah, ama amarka daaweynta, waa laga saaray ama la tirtiray
- Haddii aad leedahay Mental Health Tribunal barnaamij oo maqal ah
- Haddii faragelin la isticmaalay, sida haddii meel gaara lagu geeyey, ama jir ahaan iyo kiimikal ahaan la xanibay
- Haddii dalabkaaga wax laga bedelay si laguugu xawilo adiga daaweyn meel kale ah oo adeega caafimaadka dhimirka.
Haddii aad tahay bukaan amaan, IMHA ayaa iyadana lala socodsiinayaa haddiii:
- aad heshay, ama loo qaaday, adeeg caafimaad oo maskaxda ah
- waa lagaa saaray dibna laguugu celiyey xabsiga.
Haddii aad tahay bukaanka faraha (forensic), IMHA ayaa iyagana lala socodsiinayaa haddii:
- Haddii laguu qaadayo goob adeeg caafimaad oo cayiman, marka laga saaro Forensic Leave Panel ay ansixiyaan gaadiidka ama ay jiheeysay hay’ad amrani
- Haddii dhakhtarkaaga caafimaadka dhimirka ama Madaxa caafimaadka dhimirka amro in laguu qaado adeeg kale oo ah caafimaadka dhimirka
- Forensicare (Victorian Institute of Forensic Mental Health) waxay khusaysaa Maxkamada Caafimaadka Dhimirka oo kormeer lala soconayo oo degdeg ah, haddii iyo marka la sameeyey amarka.
Soo deji xaashida macluumaadka IMHA (foomka ka bixista)
Xaashida macluumaadka IMHA (foomka ka bixista).
Soo deji kaarka boostada (postcard) IMHA
Kaarka boostada IMHA <Soomaali>
Sida loola xiriiro IMHA loona hello intaas ka badan
- Kusoo dir email contact@imha.vic.gov.au
- Wac IMHA oo nambarkeedu yahay 1300 947 820, oo ay hawlgelisay IMHA kuwa u dooda 9.30 subaxnimo – 4.30 habeenimo todobada maalmood ee asbuuca (marka laga saaro maalmaha fasaxa). Waxaad nagula hadli kartaa luuqadaada.
- Wac khadka xuquuqda IMHA oo ah 1800 959 353 si aad u maqasho duubitaanka ku saabsan xuquuqdaada.
- Wax badan ka baro sida naloola soo xiriiro.
- Weydii bixiyaha adeega caafimaadka daryeellaha ama kaalmeeye kale si uu u caawimo la xiriirida IMHA.
- Haddii aad bixinayso aragti ama dacwad ku saabsan IMHA, fadlan nala soo xiriir. Wax badan ka baro cabashooyinka iyo ra’yi gudbinta.
More information
Updated